Guled Dafac
kuso dhawoow page kaygan cusub, halkan waxaan kusoo gudbin doonaa xogo cusub si aad nooga mid noqoto fadlan nasoo follow garee mahadsanid.
Waqti yar kadib oo barteena Facebook hawada k**aqan tahay halkan ayaan kawada soconaynaa cadaaladuna hasarayso.
Horta suaasha is waydiinta mudan waxa weeye madaxweynuhu ma uwar hayaa,
Sida ay wax usocdaan mise wa ku og yahay uu??!
Dalka iyo dadka hadaan gacanta loo galin cidii aqoonta iyo kartida ulahayd,
Waxa aan ka marag kacayaa in wax is badalayaan.
Balse yaa inooga, taag helaya abaal celin iyo arin qabiilaysan.
Hadii aan kabaxno arinkan qabiilaysan ee reer walba kooda laabta ugaraacanayaan oo aynu aadno,
Yaa dalka iyo dadka wax uqaban kara taasaa danta guud ku jirtaa ay
Looyaradu marka ay doonayaan inay cid ka tallo siiyaan arin la xidhiidha dawladda, waa inay marka h**e si fiican u fahmaan oo u akhriyaan xeerka maamulka xukuumadda (administrative law) iyo xeerka dastuurka (constitutional law). Haddii kale waxyaabaha qaarkood ceeb baad uga dhacaysaa ama waad marin habaabinaysaa cidda ku soo biday talo.
Waxa jira mabaadi aasaasi ah oo ay ku dhisan tahay dawladdu oo la xidhiidha awoodaha ay isku leeyihiin iyo kuwa ay kala leeyihin saddexda waaxood. Qareenka aan sida fiican u dersin labada arimood ee aan sare ku xusay, waxba k**a duwana dadka caadiga ah, marka ay arimo xukuumadda khuseeyaa soo baxaan.
Xirfadluhu waxa uu xirfadle ku yahay inta uu waxa akrhiyo iyo sida uu takhasus u leeyahay ee aanu arimaha oo dhan isku wada furin.
Dalku waxa uu leeyahay dastuur. Dastuurkiina 1) wax lagama bedellin; 2) lama laalin. Sidaasdarteed, faqradda 1aad ee qodobka 32aad waa in la dhawro: “Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.”
Wadaadadu waxa ay ka mid yihiin muwaadininta xorta u ah rayigooda.
Ciddii gaysata fal ama ku kicisa cid kale inay gaysato fal, waa arin gaar ah. Balse waa inaan ra’yiga dadka la cabudhin. Ciddii dood keenta, waa in lala doodi karo oo wax loo sharixi karo.
Haddii aan loo hayn doodaas wax ka soo horjeeda, ama cid la doodi karta, cabudhintu marin furan maaha.
Lamana helayo taariikhda meel cabudhini socodsiisay rayi ama baabiisay rayi.
Golaha wasiiraduna haddii aanay doodi karin, inay dadka u hanjabaan ilama qumana.
19/01/2026
Kaadhka dhalashadu waa 15 dolllar. Haddii ay qaataan 3 Milyan waa: 15 x 3,000,000 =45,000,000 (45 milyan) oo Doolar.
1. Lacagtaasi ma tahay mid cashuur bixiyaha ku soo noqonaysa oo gelaysa khasnadda Dawladda?
2. Go’aankii h**e madaxwaynuhu u soo saaray ee ahaa inaan hay’adaha xukuumaddu ee aan ahayn maaliyaddu aanay qaadi karin lacag, ma waxba iska bedelay?....
👀
Cod dheer waxaan kuleeyahay bulshada hoos haloo eego 1, maahan 2 maahan, bulshada aanu kamid nahy rajo iyo yidi diilo ayay rabtaa!!🎤 🎙
Shacabka nolosha la tabaalaysan hadaan hoos loo eegin anana wixii nala gudboon... 👀
Run ma laysku sheegayaa mise laysku sheegi maayo, dawladu waa inay cadaysaa mawqifkeeda ku aadan, ID card ka
1 waan ka hadlay 2 waan ka hadlay intaasna ma hayo cid go aan sax ah iga siisay.
Hadaba waxa is waydiin mudan ma waxa ay ku kici doonaan marka shacabku kaco ee,
Khasaare yimaado malaa ka hor dawlada qorshe ugama yaal.
Wax macne ah ma samaynayso in dadka lagu jeediyo arimo dabadeed,
Ee waxa muhiim ah in la xaliyo arimaha bulshada dhexdeeda kalsooni dara ka keenaya,
Waxa aan cod qayaxan iyo mid talo ah ba kuleeyahay
1. Kaadhka waa dhalashada waa in bilaash lagu qaataa
2. Waa in dhamanba gobolada dalka lageeyaa hargaysa dalku maahan
Degmaad sheegtaye tuulo kasta waa in lageeyaa,
Bilaashna lagu qaataa.
3. Waa in bulshada hoos loo eego dawladan bulshadu iyadaa meesha keentay, sidaa darteed mawqifka bulshada waa in loo hogaansamaa,
Hadii kale waxa aanu cod qayaxan kuleenahay "nin kuyiri sarayn maysid adna diid sarayntiisa."
Category
Website
Address
Hargaysa
Alerts
Be the first to know and let us send you an email when Guled Dafac posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.